Sheekh Shariif oo u ambabaxay dalka Jabuuti, Xog laga helay safarkiisa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti. Waxaa la filayaa inuu halkaas kula kulmo Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti.

Jabuuti waxay aheyd halkii Sheekh Shariif lagu doortay sanadkii 2009, xilligaasoo dowladda Jabuuti martigelisay wada hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qaran la soo dhisay

Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa la saadaalinaya inay ka mid noqon doonaan dalalka sida weyn u daneyn doono doorashada Soomaaliya.