DEGDEG:- Carruur iyo Haween lagu laayay Degmada Warsheekh

Deegaan hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dheexe ayaa waxaa goor dhow  oo   Aawa ah lagu dilay Qoyska ka koobnaa 5-ruux.

Hooyo Umul kujirtay iyo ilmo yar oo afartan Cisho dhalan iyo wiil 3-sano jir ah oo ay dhashay ayaa meel qura lagu dilay, sido kale haweeney Qoyska kamid aheyd iyo wiil 5-sano jir ah ayaa dhaawac kasoo gaaray weerar ay geysteen Maleesho Beeleed.

Dhacadaadan ayaa Caawa laga soo wariyay Miyiga Degmada warsheekh,waxaana ay salka ku heysaa Arrimo Beeleed, iyada oo la baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas