Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo qaadacay ka qeyb-galka doorashooyinka

Musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaadacay iney ka qeyb noqdaan doorasho ay ugu yeereen iney tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan NISA, taas oo baalmarsan dastuurka dalka.

Qoraal ay soo saareen musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 12 musharax ayaa waxaa ay ku sheegeen inay ka cabsi qabaan in dalka galo firaaq Dastuuri ah oo sababi kara burbur guud oo ku dhaca nimaadka dowladnimo, hadii aan si degdeg ah loo xaqiijin madax bannaanida guddiyada iyo dhammaan howl-wadeenada ka shaqeynaya hir-gelinta doorasho hufan oo leysla oggolyahay, kuna dhacda muddada kooban ee harsan.

“Hadaba, waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka ayaa lagu yiri” Qoraalka musharixiinta.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.