Villa Somalia dalbatay in la bedelo mid kamid ah Guddiga doorashooyinka ay soo gudbiyeen Jubbaland

Villa Somalia ayaa dalbatay in la badalo guddoomiyihii guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha ee Jubaland Xamza Cabdi Barre oo qeyb ka ah guddiga cusub ee Jubaland u soo dirsadeen doorashooyinka heer maamul gobaleed.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay xubintaan ka qabto walaac badan islamarkaana uu hadda ka hor maamulay doorashadii Jubaland iyadoo ay daba taagneyd Villa Somalia.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer dowlad goboleed uu ka kooban yahay 11 xubnood, kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto dowlad goboleedka, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayso min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer goboleed.

Guddiyada Jubalanad iyo Puntland ayaa ah kuwa kaliya ee haray, ayada oo Puntland aysanba weli soo gudbin xubnaheeda, lagana filayo maalmaha soo socda.