Wufuud kusii qul quleysa Jowhar & doorasho ka bilaabaneysa

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa gaaray wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda gargaarka maareynta & musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Hr-Shabelle, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mahad Xasan Cusmaan &  Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan & xubno kale.

Wasiir Khadiijo oo degaan doorashadeedu tahay Magaalada Jowhar ayaa la filayaa inay la kulanto Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, sidoo kale ay goobjoog ka noqoto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dhaceysa Maalinta Arbacada ah.

Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda tagaan wafdiyo kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka & Maamul goboleedyada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.