Cali Guudlaawe oo cambaareeyay falkii xalay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh,

Sii Hayaha Xilka Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharax Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen  Cali Guudlaawe ayaa cambaareeyay falkii waxashnimada ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Warsheekh,

Maleeshiyaadkan  hubeysan oo ay  dileen hooyo iyo labo carruur ay dhashay, wuxuuna ugu baaqay Maamulka degmada, Odayaasha, iyo Culimaa’udiinka inay arrintaas u istaagaan ka hortaggeeda iyo xalinteeda, isagoo uga tacsiyadeeyay qoyska iyo eheladii ay ka baxeen dadkii sida arxan darrada ah loo dilay.

Sidoo kale Ciidamada Amniga ayuu ugu baaqay inay si degdeg ah ugu baxaan deegaanka ay ka dhacday dhibaatadaas, kooxihii ka dambeeya gacanta lagu soo dhigo, si sharciga loo horkeeno.

Weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa kusoo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera  oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.