Magalada Dhuusamareeb oo ka furmay Shir ku saabsan Arrimaha Dastuurka dalka

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan wada jir ah kula yeeshay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda galmudug labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka Galmudug iyo Bulshada rayidka.

Kulanka ayaa ujeedkiisa waxaa uu ahaa in la helo aragtida Maamulka galmudug ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay iyo kuwa harsan maadaama wasaaradda Dastuurka & Xubnaha u xilsaaran ay wadaan wadatashiyo kala duwan.

Sidoo kale Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxaa la filayaa inay la kulmaan hoggaankja Sare ee Galmudug, sidoo kalena ay tagaan magaalada Gaalkacyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xubnaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka waxaa ay wadeen latashiyo kala duwan, iyaga oo wufuud kala duwan u diray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug & Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.