Faah Faahin Dagaalkii Kadhacay Labilule.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo geba-gabeeyay howlgal dhowr Saacadood qaatay oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen deegaanka Labidule oo fariisin ciidan oo muhiim ah u ahaa Al-Shabaab.
Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad ayaa sheegay in hadda xaaladu dagantahay isla markaana ay Ciidamadu gudaha galeen deegaanka kana wadaan howlgalo lagu raadinayo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in intii Ciidamada Dowladda Soomaaliya howlgalka wadeen ay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac aha galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.