Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Mareykanka oo xilka ka qaaday Xoghayihii Gaashaandhigga

Madaxweynaha xilka ka dagaya Donald Trump ayaa shaqada ka eryay Xoghayihii Gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper, kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay.

Trump ayaa sheegay in Sarkaalkaas xilka uu ka qaaday, isagoo u magacaabay Chistopher Miller oo xilkaas la wareegi doona.

Christopher Miller ayaa ahaa Madaxa Xarunta Qaran ee la dagaalanka Argagixisada.

Xil ka qaadisra Mr Esper ayaa ka dambeysay, kaddib markii isaga iyo Trump uu todobaadyadii u dambeeyay soo kala dhex galay khilaaf, waxaana ay isku qabteen awoodda Aqalka Cad ee Milateriga u adeegsaday inay ku caburiyaan dibad baxyadii ka dhacay Mareykanka ee looga soo horjeeday cadaalada darada midibka ku saleysan.

Trump ayaa illaa iyo hadda ogolaan in doorashada uu kaga adkaaday Madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxaana uu ku hanjabay inuu Maxkamad geyn doono natiijada la shaaciyay oo uu ku adkeysanayo in la musuq maasuqay.