Ciidamada NISA oo xiray mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir

Cidamo ka tirsan hay’adda NISA ayaa saddex habeen ka hor degmada Kaxda ka xiray masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee gobalka Banaadir.

Masuuliyiinta la xiray ayaa kala ah.

1) Guddoomiyaha Waaxda 3aad ee Cumar Fiyaasko, Zakariye Cabdullaahi Cilmi.

2) Guddoomiye ku xigeenka Waaxda 1aad ee Genaraal Liiq-liiqato Faaarx Qooreey.

3) Guddoomiyaha dhalinyarada degmada Kaxda Cabdullaahi Cabdiraxmaan Abiikar (Caano-geel).

Ma jirto wax faah faahin ah oo laga haayo sababta loo xiray masuuliyiintaan. Maamulka Gobalka Banaadir, kan degmada iyo taliska NISA ayaa wali ka hadlin howlgalkaan masuuliyiinta lagu soo xiray.