Guddoomiye degmo oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo caawa fiidkii ka dhacay wadada 21-ka Oktoobar ee degmada Waabari, waxaana qaraxaasi ku dhintay laba kamid ah ciidankii la socday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in guddoomiye Cabdixakiin dhagajuun soo gaaray dhaawac dhanka lugta ah waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Wadada 21-ka Oktoobar iyo wadada Taleex ilaa Cabdiqaasim waa meelaha ugu halista badan Muqdisho, waxaana ku badan qaraxyada dhulka lageliyo.

Wadooyinkaan, kuma yaalaan Baro Kontarool oo ay daganyihiin ciidamada amniga waxaana ugu dhow Tarabuunka iyo midka ku yaalo Isgoyska Suuqa Beerta ee Muqdisho. Sidoo kale inta badan ma-maraan ciidan roondo ah.