Mucaaradka oo Turkiga ku dhaliilay lacagtii uu ka bixiyay Soomaaliya

Mucaaradka dalka Turkiga ayaa madaxweyne Erdogan ku dhaliilay lacag ay xukuumadda waddankaask ka bixisay Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya, isla markaasna ahayd $2.4Malyan.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn dhaqaalaha Turkiga uu ku daldalayo Soomaaliya xilligan oo dhaqaalaha Turkiga uu saameeyay cudurka Covid 19 iyo dhibaatada ka dhalatay musiibadii ka dhacday dalkaas.

“Waxaad lacag dhan 10 milyan oo Liira ugu deeqday dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirka, halka lacag dhan 2.4 milyan oo doollar na aad ka bixisay Soomaaliya”, ayuu yiri Ali Mahir oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Turkiga ku qoray bartiisa Twiter-ka.