Lacagtaan ayaa lagu qabtay Magaalada Qardho.
Ciidamada ayaa gaarigii siday lacagtan ku qabtay inta udhexaysa Kontaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye.
Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Cismaan ayaa sheegay in lacagtaan ay kaga cabsi qabaan in lagu qalqal galinaayeen degaanada Puntland si sare loogu qaado sicir bararka ka jira magaalada.
Waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ku xareeyeen Bangiga Puntland ee Qardho , islamarkaana lagu sameyn doono baaritaano.
Puntland shacabka muddooyinkii udambeeyay waxa ay ka cabanayeen Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah.