Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Beeraha ,Xoolaha Iyo Kaluumaysiga ee dalka Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale ayaa goordhaweyd soo gaaray garoonka diyaaradaha Hargeysa .
Wafdigaan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo ay qeyb ka ahaayeen , wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed iyo wasiirka wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha Maxamed Muuse Diiriye .
Waxaa sidoo kale wafdiga ka mid ah Wasiiro ku xigeeno ka tirsan dowladda dalka Jabuuti.
Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in ay ku sugnaadaan Magaalada Hargeysa oo kulamo ay la yeeshaan mas’uuliyiinta Somaliland.