Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa madaxweyne ku-meel gaar ah u magacaabay Ismaamulka Tigreega ee Woqooyiga dalkaas.
Madaxweynaha cusub oo lagu magacaabo, Dr. Mulu Nega, ayaa soo dhisaya xukuumad ku-meel gaar ah, taasi oo ay hore u go’aamiyeen Baarlamanka dalkaas.
Gobolka Tigreega ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa waxaa la socda dagaalo khasaaro geystay oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Maleeshiyaadka TPLF.