Laamaha Amniga oo xabsiga dhigay Wiil & Aabihiis oo dil geystay

Ciidamada Booliiska Faderaalka ayaa Soo xiray aabe iyo wiilkiisa oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil xalay loo geystay nin madaxa looga jiray oo xalay lagu toogtay Geed uu ku xirnaa, Deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud.

Labada eedeysane ayuu mid yahay aabaha dhalay marxuumkii ladilay, halka kan kalena yahay wiil la dhashey marxuumka, labada eedeysane ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka wiilkooda oo xanuunsanayay, kaasi oo dhowr jeer gartooda lagaley sida lasoo wariyey.