Saraakiisha TPLF oo loo jaray Warqad lagu soo xiraayo

Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo saraakiisha ugu sarreysa gobolka Tigray xilli ciidamada federaalka ay howlgal militeri ka wadaan gobolkaas.

Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xiro siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliyo Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu maamule ku meel gaar ah usoo magaacabay gobolka.

Waxaa weli Tigray ka socdaa dagaallo xooggan, waxaana laga yaabaa in tallaabadan ay xaaladda uga sii darto.