Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi Magacaabay; Akhriso ujeedka laga leeyahay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaariya saameynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabida Guddigan ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalka u socdo doorasho.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saameynta cudurkaas, isla markaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay keenaan Golaha Shacabka.