Maandooriye iyo dad isticmaalayay oo lagu qabtay Xeebta liido

Ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal saacado qaatay ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa teedsan xeebta Liido.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa waxaa horkacayay Taliyaha saldhigga degmadaasi Cabdullahi Cusmaan Maxamed, waxaana ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga guud ee degmadaas.

Sidoo kale Saraakiil  ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid lagu doonayay in looga hortego waxyaabaha Maanka doorinaya oo dhalinyarada xiliyada habeenkii ah ay ku isticmaalan xeebta Liido.

Howlgalka ayaa intii uu socday waxaa lagu qabtay maandooriye kala duwan oo isugu jiray qamri, xashiish iyo waxyaabo kale, isla markaana Ciidanka ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro isticmaalayay maandooriyaha la qabtay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay inay si adeg uga dagaalami doonaan maandooriyaha noocyadiisa kala duwan ee  lasoo geliyo gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabta ama ka Gancsatada.