Al-Shabaab oo la wareegay degaan ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb

Sida ay daabacday Warbaahinta Al-Shabaab, xooggag katirsan Shabaab ayaa qabsaday Deegaanka Ceel Dheere oo u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii Al-Shabaab si buuxda ay u qabsadeen gacan ku heynta Deegaankaan oo aan sidaas uga fogeyn Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta DG Galmudug.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in bilaa dagaal ay qabsatay, kadib markii ciidamada DG Galmudug ay isaga baxeen deegaankaan u dhaxeeya Degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigtay deegaanno dhowr ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay u duulaan tageen Ciidamada Militariga Soomaaliya & Askarta Galmudug gacantooda dib ugu laabatay.

Galmudug wali war kama soosaarin sheegashada Al-Shabaab ee ah in ay gacanta ku dhigtay deegaanka Ceel dheere ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ciidamada maamulkaas ay isaga baxeen.