Akhriso:- Sababta xilka looga qaaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Muuse Geesey Jimcaale,, iyada oo mid cusub la magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir loogu Magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cariif.

Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir ee ugu xilka qaadista badan, waxaana Saddexdii sano & barkii la soo dhaafay soo martay Gudoomiyeyaal farabadan, waxaana isla Maanta xilka la wareegay guddoomiyaha Cusub ee degmada Yaaqshiid.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilalkii ka qaaday guddoomiye kuxigeenadii Maamulka Iyo maaliyadda & howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, xilli lagu guda jiro waqti kala guur ah dalkana uu galayo xaalad doorasho.