Askar ku dagaalantay Gudaha Madaxtooyada & khasaaro ka dhashay

Askar ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo isku dhaawacay gudaha Madaxtooyada ee Villas Soomaaliya.

Labo askari oo kamid ah ciidanka ilaaliya Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa is khilaafay, waxaana halkaasi ka dhashay gacan ka hadal sababay in mid kamid ah labadii askari ee dooday la dhaawaco.

Askariga falka dhaawaca ah geystay ayaa la sheegay in lagu xiray Xabsi ku yaalla Gudaha Xarunta Madaxtooyada, iyada oo Maamulka Gobolka Banaadir uu wado sidii arrintaasi xal looga gaari lahaa.

Ciidamada ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar soo wajaha khilaaf sababay inay dagaalamaan, waxaana dhacdooyinkaas horay digiin uga soo saartay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.