Dowladda oo ku dhawaaqday qorsho looga hortagayo fatahaadaha & Ayaxa

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan qorshe looga hortagaayo fatahaadaha ay wabiyada juba iyo Shabeele ka gaystaan goobaha ay ka maraan gobalada dalka.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uusidoo kale carabka ku dhuftay in ay diyaarinayaan qorshe wax looga qabanayo Ayaxa oo xaalufin ba’an ku haaya dalagyadii kuyaalay beeraha gobalada dalka kaas oo dhawaan soo gaaray qaybo kamid ah Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka waxa uu sheegay in hay’daha xogaha ka qora Soomaaliya aysan faafin karin xog aysan qorin hayadda Istaatistikada qaranka , si aan wadanka looga qorin wax aan munaasib ahayn.