Laftagareen oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose

SAWIRKA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE SHABEELLAHA HOOSE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, iyada oo guddoomiye Cusub uu u magacaabay Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Sababaha xilka qaadista qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxaa lagu soo koobay kaliya soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

SAWIRKA GUDDOOMIYAHA CUSUB EE SHABEELLAHA HOOSE