RW Pakistan oo lagu cadaadinayo aqoonsiga Israa’iil

Ra’iis asaarahaW Pakistan Imran khan ayaa sheegay inay cadaadis ku hayaan dalal Muslim ah oo ku riixaya inay Pakistan xiriir la yeelato oo aqoonsato Israel, balse wuxuu wacad ku maray in Pakistan aysan marna aqoonsan doonin ilaa xal laga gaaro arrinta Falastiin.

RW Imran Khan, oo waraysi siiyey TV maxalli ah ayaa la weydiiyey inuu Sheego dalalkaas ?

Imran ayaa diidey inuu magacaabo
Dalalkaas ,wuxuuna ku jawaabay .

“Ka Gudub su’aashaas Waxaa jira waxyaabo aynaan sheegi karin hada ,waayo xiriir wanaagsan ayaanu dalalkaa la leennahay,

Sikale hadaan wax kuugu sheego Marka aadan Dhaqaale ahaan isku Filayn Wax arin ka xun majirto ,Xoriyad malihid hadana ma Qaadan kartid Wax damiirkaagu ogolayn .

“Aannu marka hore cagaheenna ku istaagno dhanka dhaqaalaha, kaddib waad na waydiin kartaa su’aalahaas,” Markaas ayaan si Gobanimo leh u Jawaabi karnaa “