Taliyaha xooga oo Amar-siiyay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Galmudug

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaali General Odawaa Yuusuf Raage oo Dhawaan Soo gaaray Magalaada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa amar Culus Duldhigay Saraakiisha Ciidanka Xooga iyo askarta milatariga ee joogta Deegaannada Galmudug.
Taliyaha ayaa askarta milatariga Soomaaliya Gaar ahaan qeybta 21aad ee ku sugan Dhusamareeb iyo Deegaanada kale ee maamulkaan ku amray in ay tagaan jiida hore ee Dagaalka Si Alshaab Looga Saaro Deegaannada Bari Ee Galgaduud
Cidii aan tagine aysan Heli Doonin Wax mushaar ah.
Inta badan ciidanka ayaa maanta la kulmiyey iyaga oo loo daabulay jiida Dagaalka.
Sidoo kale Taliyaha Ayaa Ciidanka ka ceyriyey in ka badan 50 askari oo lagu edeeyey in aysan Dowladda u Shaqeynin Balse lacag ay iska qaadan jireen.
Galmudug ayaa Dhawaan Bilowday iyada oo kaa shaneysa ciidanka Dowlada howlgalo Ka Dhan ah Al-Shabaab.