Xildhibaan sheegay in Caddaalad darro weyn ay kajirto dalka

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya ayaa sheegay in Magaca Baarlamaanka uu iska noqday mid iska jira oo aan wax loogu qaban Bulshadii ay matalayeen.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray xildhibaanka in mar waliba lagu eedeeyo in uusan waxba qaban hadana aan lagu qiimeyn Bulshada uu matalayo,waxaana uu si cad uu u sheegay in dalka ay ka jirto Caddaalad darro weyn.

“ Hadii uu xildhibaanka Shacabka matalayo, shacabkiisna dhibaatada ay tirsanayaan ay isaga u soo marayaan Baarlamaankiina dadkii uu ka turjumayo ana la qiimeyneyn oo xildhibaankii uu iska noqday mid meel walba ku ceebeysan oo la leeyahay maxaan noo tartay, marka Guddiga musuq maasuqa ee Baarlamaanka ansixiyeen wuxuu ahaa id aan sugeynay, balse Alle xagiis ay Cadaalad jirto ayuu yiri” Xildhibaan Dalxa.

Hadalkaan ayaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu ka sheegay kulankii Maanta ee Golaha Shacabka oo lagu ansixiyay guddiyada Adeega Garsoorka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.