Madaxweynaha Galmudug oo cadaadis xoogan la kulmaya

Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo kulamo looga soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana kulamadaan wado Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana laga soo doortay Galmudug.

Sidoo kale kulamadaan waxaa qeyb ka ah siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka iyo Galmudug waxaana Madaxweyne Qoor-Qoor hordhigay laba arin oo ah, inuu ka laabta guddigii uu magacaabay oo u badan NISA iyo inuu wajaho mucaarado badan iyo Mooshin xil ka qaadis ah.

Qoor-Qoor ayaa waayay dhinac muhiim ah oo miisaan culus ku dhax leh Galmudug, kuwaas oo abuuri kara qal qal kursigiisa ah waxaana socdo kulamo kala duwan oo ku saabsan sidii laga yeeli lahaa guddigii uu dhowaan magacaabay ee heer dowlad gobaleed.