Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Tababarka ee Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar ee Magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid  loo adeegsaday qof isku-soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay banaanka Maqaayad u dhow Xarunta Janeraal Kaahiye.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dad isugu jira askar iyo Shacab ay ku waxyeeloobeen qaraxa, isla markaana ay goobta xireen ciidamo ka tirsan Dowladda.