Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer waxaa ku sugan wafdi ka socda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay halkaasi kulan xasaasi ahaa kula yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Somaaliland.
Kulanka ayaa waxaa uu dhexmaray Mas’uuliyiin heer deegaan, heer gobol iyo ee degmo iyo waliba Masuuliyiinta Birgaydhka Afaraad ee ciidanka xooga gaarka ah ee DDS halka Soomaalialnd ay uga qeyb galeen duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad , Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mohamed Diriye Xayd,Taliya qaybta 12 ee ciidanka somaliland Faysal Abdi Bootaan,Taliyaha qaybta policeka gobolka Togdheer Cali Mohamed Farax.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhinaca Amniga, iyaga oo labada dhinac ku heshiiyay adkaynta Nabadgalyada iyo iskaashiga labada maamul ee DDS iyo Somaliland.
Wafdiga ka socda Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo horay u soo maray degaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Bakool ee Jubbaland & Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Magaalada Berbera ee degaannada Soomaaliland.