Khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM

Qaraxaan oo  ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jambuuriya lagule eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay ama raashin u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rasaastii ay fureen Ciidamada AMISOM & kuwo dowladda ka tirsan oo goobta tegay ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo shacab ah kuwaas oo ka koobnaa Aabe, Xaaskiisa , Gabaryar oo uu dhalay iyo Wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah oo wadada u xirneyd ay iska sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa marin u aheyd wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka Turkiga EE ee Xaafada Jamhuuriya maadaama Biyo farabadan xireen wadada laamiga ah ee marta Isgoyska Fagax.