Al-Shabaab oo sheegtay inay weerar ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Kenya

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka AMISOm & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ee degaankaas, waxaana halkaasi ka dhacay daaal muddo saacado ah socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in muddo saacado ah ay ka dagaalameen degaanka Qooqaani, isla markaana weerarkaas ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya, kaas oo meydkiisa loo qaaday degmada Dhoobleey ee isla Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin sheegashada Al-Shabaab  ee ku aadan in ay weerar ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Kenya.