Kuuriyada Koofureed oo sanad u kordhisay la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida

Guddiga Difaaca Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koofureed ayaa maanta oo Jimco ah ogolaaday in waqti kordhin loo sameeyo askarta Xukuumadda Seoul ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida & saraakiisha tababarada taageerta Imaaraatka Carabta.

Qaraar waqti kordhin ah oo loo gudbiyay Guddiga Baarlamaanka ayaa la ansixiyay, waxaana sidaas loogu waqti dheereeyay howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda ee ka socda Gacanta Cadmeed & marinta Hormoz.

Askarta Koofurta Kuuriya ayaa tiro ahaan gaareysa 300, waxa ay heystaan Maraakiib, Doomo & diyaarado kahortagi kara weerarada Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo marar kala duwan gacanta ku dhigay maraakiib u badan kuwa wada shixnado ganacsi.

150-kamid ah saraakiisha Kuuriyada Koofureed waxa ay tababar siiyaan Ciidamada Imaaraatka carabta si ay ugu aqoon kordhiyaan sida ay tebisay Warbaahinta dalkaas oo qortay sheekada ciidamadaan.

Muddo kordhinta loo sameeyay Askarta Seoul waa sanad, waxaana uu dhamaanayaa waqtigaas dhammaadka sanadka soo socda 2021-ka sida ku cad warqadda la gaarsiiyay militariga Kuuriyada Koofureed.