Qarax ka dhacay Gaalkacyo dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Ciidamo ka tisan Puntland ayaa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolla Mudug.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, kadib markii Ciidamada Puntland ay sameeyeen howlgalo amniga kor loogu qaadayo.