Xiisad dagaal oo Maanta ka taagan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa ka taagan deegaan lagu magacaabo Bakaaroole oo hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Xiisada ayaa timid kadib markii dhawaan dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Xawaalo Odayaal ee duleedka Warsheekh, kaasi oo salka ku haayay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana xiligaas kadib deegaano hoostega degmadaas kasoo cusboonaaday xiisad colaadeed.

Dadka deegaanka Bakaaroole oo la hadlay ayaa ii sheegay inay jirto cabsi xoogan oo ku aadan inuu dhaco fal la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa halkaas isaga tegay gebi ahaan raggii ku sugnaa sida dhalinyrada iyo Odayaasha, xitaa waxaa horey loo sii waday Caruurta da’yar.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhammaan guryaha deegaanka ay ku hareen oo kaliya Haween oo qaarkood wax u geeynaya rag Alle tala-saartay oo ku jira dhul howd ah oo ay ka jirto dhaxan darran, ayna ka da’ayan roobab mahiigaan, sidoo kalena meelaha qaar ay biyo ku jiraan, dhulkuna uu yahay mid ay buuxdo kaneeco/dhilmaayo.

Waxaa adeg in aad la hadasho dadka ku jira dhulka howdka ah, iyagoona ah kuwo aad u cabsanaya, kuwo taleefanada heysta waa ay demiyeen, si aan loo wicin, waxaana dadkaas ay yihiin kuwo aad ugu feejin shanqarta yeerta.

Illaa iyo hadda ma jiro wax dadaalo ah oo socda, isla markaana lagu kala dhex-galayo beelaha walaala ah ee colaada u dhexeeyso, in kastoo uusan jirin wax dagaal ah, balse cabsi labada dhinac ah ayaa jirto.

Dhinaca kale deegaano dhowr ah oo hoostega degmada Warsheekh ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo qabtay dad farabadan, kuwaasi oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarkii 8-dii bishaan lagu dilay Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, kaasi oo ka dhacay tuulada xalluule.

Deegaano iyo degmooyin hoostega degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aano qabiil, waxaana dagaal beeleedyada qaarkood lagu guuleystay in xal laga gaaro, halka kuwo kalena aan weli la xalin.