Dhacdo Naxdin leh: Gabar isku daldashay Magaalada Muqdisho

Gabar 15 sano jir ah oo kunooleyd Xaafada Saban Saban ayaa maanta is dal dashay ,kadib markii xirig qoorta isaga xirtay.

Gabadhan oo kamid aheyd dadks barakacayaasha oo magaceeda lagu sheegay Farxiya ayaa guriga loogu tagay iyada oo meyd ah oo qoorta xariga uga jiro.

Ehelada gabadhan is dal dashay ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee gabadhan isku dal dashay, waxa ayna sheegeen in kaliya ogaayeen gabadhan oo hooyadeed ku cadaadineysay in telfoon u gado hooyadans u sheegtay in aysan awoodin.