Dil ka dhacay G/ Hiiraan & faah faahin kasoo baxeysa

Koox hubeysan ayaa saakay deegaanka Bacda oo aan ka fogeyn Degmada Matabaan ku dishey nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Xiliga dilka uu dhacayay  ayaa waxaa socotay howl nabadeyn ah oo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisad ka dhalatey barkado laga qoday nawaagiga deegaankaas oo ay ku muransan yihiin xoolaleyda wada dagan aagaasi.

Ciidamada Amniga ee Hirshabelle oo gacan ka helaya Booliiska Galmudug ayaa ku howlan sidii loo soo qaban lahaa kooxda dilka geysatey oo goobta ka baxsatey, waxaana soconaya howlgalo lagu doonayo in xaalada lagu qaboojiyo.