Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Magacaabay Guddiga degaan doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhameystiray oo magacaabay 8-dii Xubnood ee Guddiga Degaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horay u magacaabay Afartii xubnood ee Heer Federaal ee Doorashada iyo Khilaafaadka,balse uu haatan Magacaabay Guddiga doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in sababta guddigaan loo Magacaabay ay tahay,kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu si sharci darro iyo la tashi la’aan ah ku Magacaabay  Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Guddiyada doorashooyinka ay soo Magacaabeen dowlad Goboleedyada si ay u hen tababarada la xiriira doorashooyinka.