Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha Amniga

Madaxweynaha Dowlad Hoboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta kulan aaladda fogaan aragga la qaatay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Ambassador James Swan & K/Xigeenkiisa, Hambalyo iyo soo dhaweeyn Kadib waxaay bogaadiyeen doorashadii Hirshabelle ee dhacday 11kii November.

Kulankaan waxaan looga hadlay Arrimaha Amniga, Dib u Heshiisiinta iyo taaba gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyadoo Dowlada Hirshabeelle qaadan doonto kaalin muuqata oo mug leh.

Waa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu la qaato Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle