Musharixiinta Madaxweynaha oo dalab culus u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Qaar kamid ah murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ayaa ugu baaqay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland in guddiyadooda doorashada ka saaraan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka.

Horey murashaxiintan waxay uga qayliyeen guddiyadii doorashada ee ay soo magacaabeen madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee qoraalkaan soo saaray oo gaaraya 14 musharax ayaa waxaa ay ugu baaqeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada inay ka saaraan Guddiyada doorashooyinka Xubnaha ka tirsan NISA iyo Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.