Qoor Qoor oo Muqdisho ka wadda Qorshe uu ku dhex-dhaxaadinayo Dowladda & Mucaaradka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor Oo Maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Muqdisho Ee.Caasimadda Dalka Soomaaliya, Isla markaana  halkaas u jooga sidii Dalka looga hirgelin lahaa Hanaan doorasho oo leysku waafaqsan ayaa wada kulamo kala duwan.

Qoor Qoor ayaa  kulamo waddatashi ah la yeeshey Madaxda Dalka Soomaaliya Siyaasin iyo Musharaxinta Madaxtinimada dalka.

Warar Hoose oo aan ka helney dad ka agdhow Madaxweyne qoor qoor ayaa inoo xaqijiyey in qoor qoor uu waddo qorshe uu ku dhexdhadinayo mucaaradka iyo dowladda Madaama Maalmihii ugu Danbeeyey ay soo ifbaxeen khiliif Xoogan oo dhashey Hanaanka loo marey Dhismaha Guddiyadda Doorashada Ee dowladdu magacowdey, taasi oo keentey Go’aan middeysan ka yeeshen Madaxda Musharaxiinta Mucaaradka.

Musharaxiinta Madaxweynaha ay cabasho ka soo gudbiyey Guddiga doorashada ay magacowdey dowladdu oo la sheegay inay ku jiraan xubno Nabadsugida ka tirsan.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Ayaa sidoo kale ku guuleystey sidii Musharaxinta Mucaaradka loogu qancin lahaa in ay qeyb ka noqdaan Hanaanka Doorashada Madax banan.Ee dalka ka dhacda,