Ururada Bulshada Rayidka oo ku biiray Shirka musharixiinta

Ururada Bulshada Rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka ayaa maanta ka qeyb galay shirka musharrixiintu ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ururada bulshada rayidka ah ayaa taageeray dadaallada musharrixiintu ay ugu jiraan badbaadinta dalka iyo qabashada doorasho loo dhanyahay si looga fogaado in dalku uu lugta la galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo sababa burbur ay adagtahay in dib looga soo kabsado.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale la kulmi doona culimada Soomaaliyeed, islamarkaana ka kala hadli doona go’aankooda ku aadan Guddiga doorashooyinka.