Shirka Muqdisho uga socda Masharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa uu marayaa meel xasaasi ah, iyadoo shirka ay ku biireen Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka, waxaana sidoo kale qayb ka ah shirka oo aragtidooda ku biiriyay Culimada Soomaaliyeed.
Culimada oo qayb ka ah shirka sida wararku sheegayaan ayaa waxaa ay soo saareen Culimadu baaq ku aaddan doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo, waxaana ay ku baaqin in wax waliba lagu xaliyo wada hadal iyo isu-tanaasul.