Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ii xaqiijiyay in xubnaha Guddiga heer federaal ee ay u soo gudbiyeen wax ka bedel lagu sameyn doono, kaddib dalabkii Musharaxiinta Madaxweynaha u jeediyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ahaa in dib u eegis iyo is bedel ku sameeyaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira xubnaha Guddiga heer federaal ay u soo magacaabeen.
Xubnaha afarta ah ee Puntland iyo Jubbaland ay u soo magaceebeen Guddiga doorashada heer Federaal ayaa waxaa xubno xilal haya, sida Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Puntland iyo Hantidhowrka Guud ee Jubbaland.