Guddoomiyaha Aqalka Sare oo cabasho u gudbiyay Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulan dhinaca Internetka ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

“Iyadoo qeyb ka ah wadatashiyada bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay la yeelaneyso hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, ayuu Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, maanta kulan dhanka Internet-ka ah la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, iyadoo Labada masuul ay ka wada hadleen dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu soo saaray qoraalo uu ku diidan yahay Guddiyada doorashooyinka ay Magacaawday dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Guddiyada laga soo xulay Xafiisyada Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Dowladda.