Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku biiray Shirka musharixiinta & xog laga helay

Waxaa weli Magaalada Muqdisho ka socda Shirka u dhaxeeyay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo shirkooda uga hadlaya arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya & cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka.

Maanta oo la filayo in shirka la soo geba-gabeeyo ayaa waxaa ka qyeb-galkiisa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo muddooyinkii u dambeeyay dhaliilsanaa hoggaanka sare ee dalka.

Cabdi Xaashi ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa uu soo saaraya qoraalo isdab-joog ah oo isugu jiray kuwo uu uga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka ee uu Magacaabay RW Rooble & kuwo uu ku magacaabayay Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulanka musharixiinta kusoo bandhigay aragtidiisa ku aadan hanaanka lagu wado doorashooyinka, isaga oo markale ku celiyay in guddiyada doorashooyinka  badi laga soo xulay Taliska NISA & Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo shirka Musharixiinta Madaxweynaha hadii aan wax isbedelin, iyaga oo soo saari doona War—Saxaafadeed ay uga hadlayaan cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashada iyo mowqifkooda doorashada, maadaama weli Villa Soomaaliya ka jawaabin baaqooda.