Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa  Maanta Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo  ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar oo Maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne laftagareen & Safiir Xasan Xamza Asad ayaa ka wada hadlay xaalada degaannada koonfur Galbeed iyo mashaariic Dowladda Qatar ay ka fulineyso degaannada Maamulkaas.

Ujeedada wafdiga Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya uu ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi dowladda Qatar ay ka fulin doonto mashaariic horumarineyd, oo Maanta ay siwadajir ah u dhagax-dhigi doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble & Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen aya uga mahad celiyay dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka aamul ahaan ay kordhin doonaan wada-shqeynta ka dhaxeysa.

Dowladda Qatar ayaa xilligaan waxaa ay saameyn ballaaran ku leedahay Soomaaliya, waxaana ay taageero weyn siisaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.