Maxay ka wada hadleen Musharixiinta Madaxweynaha & Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi?

Xubno uu horkacayo guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay Magalada muqdisho kula kulmeen Xubnaha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee uu shirka uga socdo Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka uu shirka uga socdo Musharixiinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahim iidle Suleeymaan, Wasiir hore ee Arrrimaha Dibadda Xildhibaa Fowsiya Xaaji Aadan iyo Xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arrimo ku saabsan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi iyo walaaca ku aadan guddiyada hanaanka doorashooyinka ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya yaa warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Gobolada Waqooyi/Somaliland oo uu hoggaaminayay Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Xubnaha musharixiinta ee ka qeyb-galay kulanka ay la yeesheen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxaa kamid ahaa, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan cali kheyre, Daahir Maxamuud Geelle, Shariif Sheekh Axmed, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, C/raxmaan Cabdi Shakuur, Cabduqaadir Cosoble, Xuseen Cabdi Xalane, Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, Maxamed C/raxmaan Siiriin iyo Pro Maxamed Cabdi Gaandi.