Al-Shabaab oo gubay Gaadiid farabadan & dowladda oo ka hadashay

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Sidiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la gubay ilaa 7 gaari gaar ahaan kuwa Xamuulka qaada oo marayay deegaano katirsan Gobalka Bakool.

Wuxuu Sheegay Afhayeenka gaadiidkasi iney gubeen Xubno katirsan AlShabaab oo wadada u galay gaadiidkaasi oo marayay agagaarka Tuulada Emed Kooreey ee Gobalka Bakool.

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Beladweyne kuna sii jeeday Xudur” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay ineysan heynin khasaaraha nafeed ee ka dhashay gaadiiidkaasi Bakool lagu gubay.