Guddoomiye Cumar Filish oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada   Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) ayaa  Maanta oo Arbaca ah kulan  la qaaatay  Safiirka Midowga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez

Labada Masuul  ayaa waxaa ay  kawada hadaleen  Xalinta Maareynta Barakacayaasha iyo  soo dedejinta shaqooyinka Midowga Yurub  ka wado Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa sheegay in Midowga Yurub uu kordhinayo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada   Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya.